Video:-Xaafada islii oo xayiraadii laga khafiifiyay

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo goor dhaweyd shacabka dalkiisa la hadlay ayaa shaaciyay in laga billaabo maalinta beri ah la qaadi doono xayiraadda gelitaanka iyo ka bixitaanka ee muddada bisha ah saaran xaafadda Islii.

Uhuru ayaa dhanka kale shaaciyay in muddo 30 maalmood ah la kordhiyay bandowga habeenkii saaran dalka oo dhan, balse la yareeyay waqtigiisa oo halkii uu ka bilaabmayay 7-da fiidnimo dib loogu dhigay illaa 9-ka fiidnimo uuna ku egyahay 4-ta aroornimo, halkii uu 5-ta ka ahaa.

Ganacsatada iyo shacabka ku nool Islii ayaa sheegay inay dhibaato badan kala kulmeen xayiraadda oo si weyn u taabatay.

Halkan ka daawo muuqaalka