Warar hordhac ah oo laga helayo kulankii Jabuti

Wada hadalada ay leeyihiin Guddiyada loo saaray howlaha u dhaxeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horumar wanaagsan ka sameeyey qaar kamid ah qodobada miiska saarnaa.

1- Xogta aan helay ayaa xaqiijinaysa in ay labada dhinacba ogolaadeen in dhammaan isku socodka la furo, gaar ahaana kan siyaasiinta oo ay masuuliyiinta ka socota Koonfurta dalka xilalka ay doonan ha hayeene ay tagi karaan Waqooyiga dalka, sidaas oo kalena siyaasiinta Waqooyiga ay tagi karaan Koonfurta.

2- Hanaanka deyn-Cafinta ayaa laysku raacay in wadajir looga wada shaqeeyo wasiirada Maaliyada ee XFS iyo Somaliland-na ay toos uga wada xariiraan.

3- Kaalmada caalamiga ah, waxay Somaliland heli doontaa qoondo dheeraad ah, maadaama ay deegaanadeeda oo dhan nabad yihiin, una diyaarsan yihiin Hay’addaha fulin kara noocyada Mashaariic oo ay kujiraan kuwa Maalgashiga waa weyn.

4- Deeqaha waxbarashada iyo nooc kasta oo ay kujiraan kuwa Milateri, laguna helo magaca Soomaaliya, Somalilandna waxay kuyeelanaysaa qoondo gaar ah, taas oo ay guddi gaar ah qeexi doonaan.

5- Qodobada ugu adag ee kulanka ayaa soconaya, waana midka ugu adag ee doodaha shirkan oo la doonayo in go’aan kasoo baxo, waana qodobada masiirka kusaleysan Somaliland, waxay kudoonaysaa Federaal lamid ah midka UK ay uga mid yihiin Scotland, Wales iyo IRLAND, laakiin Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in 1 sano ilaa 6 bilood lagu dhameeyo Dibu heshiisiin dhab ah, lana qaato nidaam Federaal ah oo Koonfur iyo Waqooyi kudhisan saami qeybsiguna sidaas noqdo.

XQ: Faraax Cabdilqaadir.