Daacish oo laga qabtay markale xubin muhiim ah kuwana lagu raad joogo

Xalay waxaa Gurigiisa loogu dhacay oo ay Ciidamada Sirdoonku la baxeen Xabiib Yuusu ” Xabiib Gumaar”.

Xabiib qabashadiisu waxay qayb ka tahay hawlgalkii silsilada ahaa ee lagu qab-qabtay shaqsiyaad muhiim u ah kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Ilaa iyo hada waxaan weli la qaban laba Nin oo kala ah…

1. Nin lagu magacaabo Cabdi Khashiin oo ufadhiya kooxda caasimada IRAN ee Dahraan,kaasoo lacagta Bosaso laga diro lagu shubo si raad gadasho ah,Lacagtaas oo lagu sheego in Shidaal Ganacsi ah lagu soo iibinayo.

2.Ninka labaad waa Shakiib Bacow oo ufadhiya Shiinaha una qaabilsan soo iibinta Tuutaha iyo Kabaha,kaasoo maalmahan isku mashquulinayay iibinta Afxirashada Corina Virus.

Hawlgalo lagu farxo oo argagixisada ka dhan ah,ayaa si xawli ah usocda.