Maxaa kala socotaa bahdilkii farmaajo ka qabsaday Jabuti?

Waxaa cajaa’ib lahaa in Shirkii uu Odayga ka ahaa laga fara maroojiyay oo lasoo cayrsado laguna bahdilay.

Sida aan xogta ku helay Farmaajo markii Shirka la furayay,ayaa Ismaaciil Cumar Geelle ku yiri adigu Odaygii baa tahay ee erayo kooban oo furid kaliya kusoo koob hadalkaaga 3-daqiiiqu,ayuuna wax ka talac-talac siiyay.

Kadib Ismaaciil oo marti loo ahaa waxuu kusoo dhaweeyay hadalka Muuse Biixi oo soo diyaarsaday khudbadiisii ictiraaf raadiska oo aad looga soo baaraan dagay soconaysana 20-daqiiqo.

Markii kulankii maalintaas soo gabagaboobay oo dib loogu soo laabtay Hotela-da,ayuu Geelle markale ku yiri Nimanku xasaasiyad fog ayay kaa qabaan si Shirku uguulaysto oo usoo dabcaan RW iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku hasii wadaan wada xaajoodka ee iska laabo Madaxweyne.

Farmaajo isagoo caraysan oo aan jeclaysan sida Geelle ula dhaqmay,ayuu dib ugu laabtay Muqdisho isla galabtii.

Waa mid ka mid ah dhacdooyinkii lagu ilhaamaystay Farmaajo ee ka dhacay Jabuti

Jibril Qoobey