Shirka Jabuti oo halyeey ka dhigay Muuse Biixi

Shirkii Jabuti Muuse,ayuu kor uqaaday oo halyeey ka dhigay guuxii gudaha ee meesha daran marayayna halmar buu ka bakhtiiyay.

Horaan usheegay in Shirka Jabuti dan Qaran shaqo ku lahayn,balse dano gaar ah oo hogaamiyayaal culays ka haysto gudaha dalalkooda waxtari doono.

Muuse subaxii uu Hargaysa ka baxayay waxaa ka daba qaylinayay guud ahaan mucaaradka iyo shacabka intiisa badan.

Saakayna sidii halyeey Qaran,ayaa loogu soo baxay soo dhaweyntiisa.

Farmaajo siyaasad xumidiisa ayay muujinaysaa midani.

Muuse Isaaq waa kala dilay oo markii ugu horaysay waxaa la arkay Jamhad hubaysan iyo Beelo kasoo horjeeda mawqifka gooni goosadka oo Isaaq ah.

Balse Farmaajo kama faa’idaysan iskadaa in uu Isaaq dhexdooda ka kaluumaystee Somalida kale ee wax ka degta dhulkaas,ayuu kasban waayay.

Waa hubaa hadii Farmaajo Nin rageed hogaan leh noqon lahaa Denina Firfircooni muujin lahaa in jilbaha loo dhigi karay hanka khatartiisa leh ee gooni goosadka ah.

Jibril Qoobey.