Video:-Doodii Baarlamaanka ee qoondada haweenka

Gudoonka Golaha Shacabka maanta waxaa loo gacan geliyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin in ka badan 130-Xildhibaan.

Mooshinka,ayaa ku aadan ilaalinta qoondada Haweenka ee golaha shacabka Fadaraalka.

Xildhibaannada Haweenka ah kuraastooda in ay u tartamaan dumarka oo kaliya si loo xaqiijiyo qoondadooda ah 30%.

Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira labada Gole,ayaa ka walwalsan in ay waayaan saamiga laga siiyay tirada Baarlamaanka oo ah 30% waana tan keentay in ay dood ka furaan inta lagu guda jiro dooda ku saabsan ka hadlidda xuquuqdooda.

Beesha Caalamka ayaa wada cadaadis ay ku saarayaan baarlamaanka in aan la faragelin qoondada haweenka ay ku leeyihiin.

Halkan ka daawo muuqaalka Xildhibaan Sacdiyo Salaad

Halkan ka daawo muuqaalka Xildhibaan Xasan Yare

Halkan ka daawo muuqaalka Xildhibaan Jeesoow