Agaasimaha W.Arimaha Gudaha oo musuq-musuq baahsan lagu eedeeyay

1- Musuq maasuqa mashaariicda gargaar.

2- Lunsashada hantida Wasaarada Arimaha Gudaha oo Gaadiidku ugu horeeyo.

3- Sumcad xumo Puntland uga timid habdhaqankiisa dhanka xiriirka Hay’adaha.

4- kalsooni daro ka dhex abuurantay Wasaarada iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Cabashadii ugu danbaysay ee ilaa heer Madaxweyne gaartay waxay ahayd Hay’ad ku haysata lacag yar oo gaaraysa 800$ oo uu iska qaatay isagoon aadin safar loogu qoondeeyay,sida uu ii xaqiijiyay mid ka mid ah shaqaalaha Wasaarada.

Wasiirka Arimaha gudaha sida aan xogta ku helay Madaxweynaha waxuu ugudbiyay dalab ah in laga badalo.

Deegaanka sida gaarka ah uu uga soo jeedo waxay mudo ku dhawaaqayeen in uusan matalin,sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Lama garan karo sababta loogu sii hayo Agaasime noocaas ah Shaqada.

Madaxweyne Deni dib ha u eego Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Juba.

Jibril Qoobey.