Deni oo hanjabaad udiray Somaliland

Madaxweyne Deni oo la hadlayay Ciidamo tababar uu ugu soo xiray Dugsiga Xorgoble ee Qardho,ayaa fariin adag udiray Somaliland.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso, waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Jibril Qoobey.