Kulankii uhoreeyay oo dhexmari doona Madaxda Somalida

Maalinka beri foog ah sida la filayo waxaa khadka ZOOM-ka ku kulmi doona madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Sida xogtu sheegayso kulanka beri foog haduu hirgalo ma noqon doono midkii looga xaajoonayay arimaha doorashooyinka.

Kulan hordhac ah oo wada shaqayneed waxna layskaga waydiin doono Xanuunka Corona Virus iyo saamayntiisa,ayuu ubadnaan doonaa sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil Madaxtooyada Puntland ka tirsan.

Beesha caalamka oo ay ugu horayso Dowlada Maraykanka,ayaa cadaadis xoog badan ku saaray Madaxda Dowlada Fadaraalka in ay wada shaqayn buuxda la yeeshaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah.

Jibril Qoobey.