Video:-Puntland oo tabar uxirtay ku dhawaad 1500 oo Askari

Ku dhawaad 1500-Askari ayay Puntland dib u tababarid iyo qalabayn casriya usamaysay.

Madaxweyne Deni,ayaa tababarka usoo xiray maanta.

Ciidamadan waxay tababar kusoo kala qaateen Dugsiyada Badhan,Xorgoble iyo 54-aad.

Puntland waxay si weyn uwadaa dib uhabaynta qaybaheeda kala duwan ee Ciidanka.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso, waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158412541026878&id=742346877