Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxda Somalida?

Waxaa qabsoomay kulankii madaxda Somalida ee ZOOM-ka markii hore loo qorsheeyay oo ugu danbayn laysku waafaqay in Whatsap laga dhigo.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Fadaraalka,Ra’isalwasaaraha,Madaxweynayaasha Puntland,Jubaland,Koonfur-Galbeed, Hir-Shabelle Galmudug, Banaadir iyo weliba Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka maxaa kasoo baxay”

  1. Shirku wuxuu isku raacay in wakhtiga iyo goobta lagu qabanayo shirka Madaxda uu si dhaqso ah u soo gudbiyo Madaxweynaha DFS
  2. Shirku wuxuu isku raacay in Doodda afarta qodob ee Baarlamanka ka socota dib loo dhigo. Madaxweyne Farmaajo ayaa balan qaaday inuu gaarsiiyo Gudoonka Baarlamanka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey kulankaas.

Jibril Qoobey.