Ciidamada amaanka bogaadin bay mudan yihiin

Abaal marin bay mudan yihiin Ciidamada Mudug ka hawlgalay Madaxweyne Deni!!

Ciidamada amaanka Puntland ee iskugu jiray PSF,PISA iyo Booliska waxay si dhiiran daacadnimo iyo Wadaniyad leh uga hawlgaleen Mudug oo xaalkeeda amni gacanta ka baxay.

Ciidamada oo kaashanaya kuwa kale ee Danab waxay ku guulaysteen in ay gudaha ugalaan Baraxley ay ku yaaleen Godod waa weyn oo hoy u ahaa argagixisada iyo danbiilayaasha kale.

Sidoo kale Ciidamadu waxay ka hawlgaleen guud ahaan Gobolka oo ugu danbeeyay kala dhexgalkii Beelo ku dagaalamay Deegaan hoos yimaada Degmada Goldogob.

Shacabku waxay umahadcelinayaan Ciidamada,iyagoo Madaxweynaha ka codsanaya abaalmarin,dalacsiin iyo dhamaystirka baahiyaha Ciidankaasi qabo.

Madaxweyne si gaar ah ula kulan Ciidamadaas iyo hogaamintooda.

Jibril Qoobey.