Farmaajo oo shaaciyay goorta iyo goobta uu dhacayo kulanka Madaxda Somalida

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka,ayaa ku casumay Shirka dhici doona Muqdisho Madaxwenayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020,ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa arimo ay ugu waa weyn yihiin….

1 Doorashooyinka dalka,
2.Arimaha amniga
3.Dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada 4.Dhammeystirka dib u eegista dastuurka.

  1. Horumarinta dhaqaalaha dalka.

Qodobka ku dhawaaqista Shirkan ee goobta iyo xiliga uu dhacayo waxuu ka mid ahaa labadii qodob ee kasoo baxay kulankii hordhaca ahaa ee madaxda Somalidu ku yeesheen Whatsap-ka.

Qodobka muhiimka ee harsan lagana sugayo in uu fuliyo Madaxweynaha Fadaraalka waa joojinta Xeerarka 4-ta ah ee Baarlamaanka horyaala.

Jibril Qoobey.