Labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka oo khilaaf xoog leh ka dhex qarxay

  1. Gudoonka Aqalka Sare ayaa ku eedeeyey Gudoonka Aqalka Hoose inuu ku xad gudbay wadashaqeyntii labada Aqal ee ku saabsanayd Shuruucda iyo Habraaca Doorashooyinka
  2. Aqalka Hoose ayaa si bareer ah u dhinac maray heshiiskii Guddigii labada Aqal ee dib-u-eegist 4ta Qodob ee xasaasiga ah
  3. Gudoonka Aqalka Hoose ayaa gacanta u galay Hay’adaha fulinta (Madaxtooyada) una shaqeynaya si sharciga baal marsan
  4. Guddoonka Aqalka Hoose ayaa waxaa la wareegay Guddoomiye ku-xigeenka Mudane Muudeey oo si toos ah fara gelin ugu sameynaya qodobo Dastuuri ah
  5. Waxaa muuqata balan qaadkii Madaxweynuhu u sameeyey Madaxda DG shirkoodii ee ahayd inuu joojiyo Doodda ka socota Baarlamanka in ay noqotay mid aan waxba laga qaban