Madaxweyne Deni oo dib Garowe ugu soo laabtay

Madaxweyne Deni Garowe,ayuu dib ugu soo laabtay ka gadaal maalmo uu safar shaqo ku joogay Magaalada Qardho.

Qardho waxuu tababar ugu soo xiray ku dhawaad 1500 oo Askari oo Daraawiishta Puntland ah.

Deni kahor inta uusan soo bixin waxuu Qasrigiisa ku booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ay mudo dhawr saac ah wada fadhiyeen.

Madaxweynuhu sida la filayo maalinka beri foog ah,waxuu u anba baxayaa Bosaso oo uu tababar kale ugu soo xirayo Cutubyo cusub oo Ciidanka Badda lagu kordhiyay.

Ugu danbayn Madaxweyne Deni waxuu Bosaso kasoo aadi doonaa Mudug ilaa Sabtida soo socota.

Jibril Qoobey.