TAARIIKH NOLOLEEDKII Allaah ha u naxariisto’e Marxuum Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sh Cismaan Axmed-Cigal (Cali Baaddiye).

Allaah ha unaxariisto S/Guuto Calibaadiye

TAARIIKH NOLOLEEDKII Allaah ha u naxariisto’e Marxuum Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sh Cismaan Axmed-Cigal (Cali Baaddiye).

Cabdirisaaq waxaa uu ku dhashay Qaroon-Madowle oo 10 km waqooyiga uga beegan Degmada Bookh Gobolka Doollo Taariikhdu markay ahayd 1948.

Magaalada Bayra ayuu qur’aanka kariimka ah ku dhammeeyey halkaas oo uu Dugsiga Hoose ilaa Fasalka 4aad ku qaatay. 1962 ayuu Gaalkacayo ugu wareegay dhammaystirka Dugsiga Hoose oo 5aad ku ekaa iyo 6aad, 7aad Dugsiga Dhexe. Dugsigii Media Centrale ayuu ku dhammaytay 8aad; kaddibna Dugsigii Scuole Media Superiore (Raage Ugaas noqday) ayuu Dugsiga Sare uga baxay.

June 1967 ayuu aadey wax barashada Layli Sarkaal asagoo u aadey Midowga Soofiyeeti gaar ahaan Magaalada Odensa ee hadda Ukrain noqotay ayuu Akadeemiyada hoose iyobdhexe ku soo diyaariyey Gaar ahaan hogaaminta guutada T55 Taangiga
sidoo kale waxaa uu ku soo bartay farasamada gacanta

  1. Tababarka Commandos ayuu Hiilweyne (Balcad) ku qaatay waxaana loo magagaabay Abbaanduulaha (Taliye Xigeen) Ururkii Tanks-ka Bulobarde halkaas oo ahayd xarunta Guutada Taangiga Qaybta 21 XDS

halkaas oo uu ku Guursadey xaaskii carruurta waaweyn u dhashay Murwo Shamso Maxamed-Carab Faarax Shuuriye (Beerlula –
gabadhaas oo uu Abwaan Hadaraawi u sameeyey heesta Beledweyn

1973 ayaa loo Bedalay loona magacaabay Taliyaha Guutada 8aad ee Tankiga Qaybta 26 aad ee waqooyi Hargaysa).

1974 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag

1976 Waxaa loo magacaabay Madaxa Higaanka C.XDS

1977 ayaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Gobolka Liibaan ee Gobolka Sidaamo Awaasa oo Nagele 120 km xagga Addis Ababa ka xigta. Soo noqoshadii Ciidamada Soomaaliya May 24, 1978 ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe

Xigasho: Abti Abdulwali Abdullahi