Aqalka-sare oo shaaciyay xeerarka la been abuurtay

Guddoonka Aqalka Sare,ayaa soo bandhigay sida loo been abuurtay ee wax looga bedelay afartii xeer ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka, kuwaasoo qaarkood la ansixiyey, qaarka kalena a hor yaallaan Golaha Shacabka.

Wax ka bedelka xeerarkan oo si qarsoodi ah u dhacay waxaa ka danbeeya Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Xeerarkan la been abuurtay ee wax laga badalay ujeedka qarsoon ay Madaxtooyadu ka leedahay,ayaa ah…

1- Meesha in laga saaro doorkii Aqalka Sare ku lahaa Xeerarkan oo Baarlamaanka kaliya isu koobo awoodda.

2- In laga boodo habraacii sharciyadda ee in loo gudbiyo Aqalka Sare, kadibna uu saxiixo Madaxweynaha.

3- Kuraasta Baarlmaanka qaarkood in loo raro deegaano aysan beelahoodu degin si loogu danaysto.