Madaxweyne Deni oo Ciidan cusub tababar usoo xiray

Boosaaso, June, 25, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.