Kullankii maanta ee baarlamaanka

Kullankii maanta ee baarlamaanka:

  1. Soogubinta jadwalka doorasho qof iyo cod ah.

2.Cod u qaadista xubnaha ku-matalaya gobolka benaadir Aqlka sare.

Labda ajande waxay baalmarsanyihiin sharciga dalka.

Midda koowaad waxay ahayd in Gudidga Madaxabannaan ee Doorashoyinka Qaranka in ay ka hor jediyaan jadwalka doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka oo fadhi wadajir leh sida ku cad Qodobka 53aad sharciga dorashoyinka.

Midda labaad cod u qaadista xubnaha lagu kordhinayo Aqalka sare waxay baalmarsantahay Qodobka 72aad ee Dastuurka kaasoo qeexaya tirada xubnaha Aqalka sare.

Intaas waxa dheer xitaa taariikhada maanta ee kulamada laqabanayo waxay baalmarsantahay Qodobka 13aad ee sharciga doorashooyinka oo qeexayo 180-maalin kahor in jadwalka Dorashada laga hor jeediyo Fadhi Wadajir ah oo labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Somaaliya.

Sareynta Sharciga