Xildhibaanada beelaha Daarood oo ka hor yimid qorshaha maqaamka Muqdisho

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya ku matala beesha Daarood,ayaa saxiixay Mooshin ka dhan ah qorshe Gobolka Banaadir la rabo in lagu siiyo 13-Senatar.

Xildhibaanada beesha Daarood waxay ku doodayaan in Gobolka Banaadir uusan heli karin qoondada intaas le’eg,waxayna diyaariyeen Mooshin ka dhan ah arinkaas.

Tusaale”

Jubaland oo sadex Gobol ah waxay ku leedahay Aqalka-sare 8-Xubnood.

Banaadir oo hal Gobol ah sidee ku heli kartaa 13-Xubnood.

Qorshahan waxaa dabada ka riixaysa Madaxtooyada oo rabta in lagaga mashquulo doorashada iyo diyaar garowgeeda tooshkii ku shidnaana iska leexiso.

Jibril Qoobey.