Maxay ka heli kartaa Puntland 13-ka Senatar

Xataa 13-ka Kursi sida hada ay tahay hadii loo siiyo Gobolka Banaadir Puntland iyadaa sad ka helaysa.

Sidoo kale Daarood isagaa Xubno kale ugu soo siyaadayaan aqlabiyadiisii hore ee uu ku haystay Aqalka-sare.

Ujeedku waa Farmaajo oo raba in uu sheegto waxkaqabashada matalaada Gobolka Banaadir iyo kala qaybinta Mucaaradada xooga badan ee kasoo horjeeda.

Dadka qaarkiis ee udhigaya arin beeleed qoondada Banaadir waa kuwo u adeegaya Farmaajo iyo kuwo kale oo aan fahansanayn waaqiciga oo ay hormartay matalaada Banaadir.

Qoondaynta Matalaada Gobolka Banaadir weli way maqan tahay waxaana ka horeeya meelmarinteeda dib uheshiin siyaasadeed oo guud ahaan Somalidu wada yeelato.

Dadku sidaa wax ha ufahmaan!!

Jibril Qoobey.