Muxuu ka yiri C.C.Warsame matalaada Banaadir?

Saaxiibbo iyo taageerayaal badan ayaa i soo waydiiyey sababta aan 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir u taageeri waayey. Waxaan ku iri, Madaxweynaha iyo Baarlamaanka waxay Banaadir xaq ugu lahayd in ay sharciga caasimadda sameeyaan oo Banaadir Golayaal deegaan iyo Baarlamaan Gobol oo la soo doortay hesho, ama dawlad goboleed loo aqoonsado.

Taas markii lagu guul daraystay, oo weliba Sharciga doorashooyinkana looga diiday kuraas Baarlamaanka uu Banaadir yeesho ayaa la yiri, Banaadir xaq u qalma xajmigeeda deegaan ee dhabta ah uma haynee, ee Aqalka Sare 7 kursi ha loogu daro. Xildhibaano deegaanka u badan ayaa kacay oo tiro 13 ah gaarsiiyey. Way Mahadsanyihiin

Laakiin la isma waydiinin Yaa qaybinaya? yaa kale? Madaxweynaha. Yaa magacaabaya? Yaa kale Madaxweynaha?. Oo sidee laga yeelayaa Dastuurka waxaa ku dhigan 54 xildhibaan in uu yahay Aqalka Sare. Dastuurka iyadoon la beddelin ayaa kuraasta lagu kordhinayaa, sababtoo ah dalka wuxuu leeyahay madaxweyne dastuur jebintu caado u tahay, weilna u dabaaldegaya.

Waxaan ku iri, qabiillada dega Banaadir ma metalaad la’aan qabiil ayaa haysa?. Kuraasta aqalka sare miyaa ku yar? Sow xildhibaano Aqalka Sare iyo Baarlamaankaba kuma laha?

Banaadir maqaam siyaasadeed iyo matalaad sharci oo xajmigeeda shacab, dhaqaale iyo muunadeeda deegaan u dhiganta ayey rabtaa ee xildhibaano beelo lagu soo xulayo u baahna, kuwii hore ayaan meel la geeyo la la’yahay.

Siyaasadda igu sawir kama raadiyo, mana rabo in aan hayi raac taageero been ah loo camiro noqdo, mana doonayo in si sahal ah la ii siro. Buulaay markii aan joognay waxaa maqli jiray hebel balaq ayaa loo tuuray ama qob moos ah ayaa loo dhigay.

C C Warsame.