Puntland iyo matalaada G.Banaadir

Arinta Gobolka Banaadir ee 13-ka Senatar waxaa loo maray wado sharcidara ah oo baalmarsan dastuurka Fadaraalka ah.

Balse waxaa dhagta loogu shubay shacab xamaasadaysan oo ciil uqaba Matalaad loogana faa’idaysanayo dano gaar ah oo siyaasadeed.

Puntland waxaa laga rabaa,iyadoo ujeeda Dastuurka la baalnaray in ay xeeladaysato si aan looga horkeenin shacabkaas Somaliyed ee xamaadaysan.

Yoolku waa in lagu dagaalamo doorashadu in ay wakhtigeeda ku dhacdo nooca ay noqonaysana heshiis siyaasadeed laga gaaro warka Xaliimo Yareyna meel layska dhigo.

Shirka Xamar ee 5-8 bisha danbe??

Shirka Xalane waa in la tagaa laga soo dhex dagaalamaa oo talada dhulka laga soo dhigaa Nabar iyo Naxdin.

Hadii ay wax kasoo bixi waayaan oo uu soo fashilmo waa in loo gudbaa qorshihii xigay ee Shir Wadatashi oo Somaliyed martigalintiis

Mar walba waa in isha lagu hayaa ka hor tagida fursadaha uu heli karo Farmaajo.

Mustaqbalka iyo Puntland”

Puntland dhawr wado oo ay ku ilaalin karto Dowladnimada Dalka,ayaa ufuran…

1.In Konfadareeshin loo guuro oo awoodaha Dowlada Dhexe lasii yareeyo,iyadoo laga faa’idaysanayo waayo aragnimada la helay.

2.In Aqalka-sare la xoojiyo oo awoodiisa kor loo sii qaado lana gaar siiyo wax walba oo Aqalka-hoose ka doodo ama sharciyeeyo in Aqalka-sare uu yeesho go’aanka ugu danbeeya.

Puntland iyo madax banaani !!

Puntland goosasho waa ufuran tahay,balse waxaa ka macno badan in aan lagu deg-degin hada iyo hadhowba.

Midnimada iyo Wadajirka Umada Somaliyed kala dhantaalideed mahan in aan qayb ka noqono sida Somaliland.

Taariikhdeena soo jireen,hankeena iyo dadaalka aan soo galinay Somalinimada meel cidlo ah ugama tagi karno.

Muhiimadu waa Farmaajo iyo kooxdan khatarta ku ah Dastuurka iyo nidaamka Fadaraalka in meesha laga saaro.

Jibril Qoobey.