Hadafka Puntland ee xiligan waa Konfedereeshin

Reer Puntland soo jireenka sooyaalka taariikheed ee Somalida waa ku suntan yihiin.

Reer Puntland waxay usoo dhiseen Somalida Boqortooyooyin la mahdiyay oo soo kordhiyay ilbaxnimo iyo nidaam.

Gumaystihii markuu yimid haldoor reer Puntland ah,ayaa hormuud unoqday halgan gobanimo doon.

13-kii dhalinyaro ee Ururkii SYL reer Puntland waxay ku lahaayeen ugu yaraan 5-xubnood.

Markii Dowladnimada la helay reer Puntland waxay ahaayeen Odoyaashii iyo hormuudkii Dimuqraadiyada.

Markii Askartu talada la wareegtay oo tacadiyo iyo hogaanxumo aan loo dulqaadan karin ku maamuleen dalka reer Puntland waxay noqdeen hormuudkii ka dhiidhiyay oo diiday dulmigaas.

Burburku markuu dhacay guud ahaan Somaliduna kabaha cuntay reer Puntland waxay noqdeen kuwii u istaagay badbaadinta dalka waxayna Somali ukeeneen Dowladnimo hoos kasoo dhis kor u dhis ah oo nidaamka Fadaraalka ku salaysan Somalina ay kuwada joogi karto si aysan ukala tagin.

Reer Puntland waxay dib calankii uga taageen caasimadii waxayna albaabada ufureen Madaxtooyadii Qaranka.

Madaxweyne Aadan-cade oo ka mid ahaa astaanta dalka haldoorkii ku astaysnaa nidaam ay hogaaminayaan,ayaa si qaran ugu aasay Muqdisho,isla markaana ugu magacdaray garoonkii diyaaradaha.

Reer Puntland waxay tiro ka dhawr jeer uga tanaasuleen arimo masiiriya oo waa weyn danta Umada Somaliyed,waxaana ka mid ahaa..

B.Hab qaybsiga 4.5

T.Dhismihii Galmudug ee dastuurka baalmarsanaa

J.Dhismihii Aqalka-sare ee Dastuurka baalmarsanaa.

Dhanka horumarka reer Puntland waxay dhiseen Laba Garoon diyaaradeed iyo Deked casri ah.

Dhaqaale xoog badan,Aqoon tayo sare leh iyo is dhexgal Bulsho oo aad balaaran.

Reer Puntland Somaliyadii hore iyo midan cusub door shariif ah oo muuqda ayay ka qaateen horusocodkeeda dhan walba.

Hadaba maanta ma aqbalayso Puntland in juhdigaas iyo dadaalkaas horteeda ay ku burburiyaan Kooxo aan wakhti,dhaqaale iyo dhiig midna ka gelin.

Hadii nidaamkii Fadaraalka la baciidsaday laguna tuntay Dastuurkii caasimadiina ay noqotay meel gaar loo leeyahay Puntland mar sadexaad waxay u istaagaysaa badbaadinta Somaliya.

Markan hadafku waa Somaliya Konfedareeshin ah iyo caasimad lawada leeyahay ama kala noolaansho kor layska weheshado!!

Jibril Qoobey