Deni raaligalin haka bixiyo xusid la’aanta M.Cawaale

Halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan!!

Madaxweyne Deni ma xusin oo kuma jirin halgamayaashii uu ku xusay khudbadisii xalay ee 1-da Luulyo.

Si kasta oo ay ku dhacday xusid la’aanta Maxamed Cawaale Liibaan waxaa looga fadhiyaa Madaxweyne Deni raaligalin iyo in uu si gaar ah umaamuuso.

Maxamed Cawaale Liibaan rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo taariikhdu marna ma ilaawi doonto doorkii muhiimka ahaa ee uu ku lahaa hanashada xoriyada.

Si gaar ah waxaan marna la tirtiri karin ama lays ilawsiin karin in uu ahaa masuulkii sameeyay ama alifay Calanka Buluuga ah ee xidigta dhexda ku leh oo maanta qof walba oo Somaliya uu kusoo hirto kuna faano.

Jibril Qoobey.