Video:-Kismaayo oo si weyn looga xusay 1-da Luulyo

Xaflada xuska sanadguurada 60-aad ee maalinta midowga labada Gobol iyo Xornimada Somaliyed,ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Jubaland,waxana ka hadlay goobta oo ka jeediyay khudbad aad uqiimo badnayd Madaxweyne Axmed Madoobe.

“Madax banaanida Somaliyed waxaa udub dhaxaad u ah waynaynta iyo ilaalinta dastuurka dalka u dagan. Dawladda Federaalka ee haatan taagan waxay ku timid garab istaag iyo taageero ay ka heshay xukuumadihii ka horeeyay. Sidaa darteed ma aha in uu madaxda haatan haysa xilka ay hunguriyeeyaan mudo korodhis dastuurka ka hor imaanaysa oo aan sharci ahayn,” Ayuu yiri Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri markale…

“Banaadir waa caasimadii Qaranka waxaana in badan ku dadaalnay in la qeexo maqaamka caasimadda iyo in la siiyo matalaad shacabka ku dhaqan. Waxay caasimaddu u baahantahay in ay hesho waxa ay u qalanto mana aha in aan la dooranin madaxda matasha oo mar walba loo soo magacaabo duqa magaalada. In waji qabiileed loo sameeyo su’aasha matalaadda caasimadda waa arrin iska hor keenaya shacabka Soomaaliyeed. Waxa la isku hayo waa in arrinkan loo maro wadada saxda ah iyada oo la ixtiraamayo dastuurka dalka u dagan,” Madaxwayne Axmad Maxamad Islaam.

Halkan ka daawo muuqaalka