Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka oo markale baalmaray Dastuurka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka,ayaa soo saaray qaraar.

Gudoomiye Mursal,ayaa sheegay in qoondada Gobolka Banaadir ee 13-ka Senatar ay tahay Qaraar kasoo baxay Baarlamaanka,isla markaana ay Xeer noqonayso Marka uu saxiixo.

Madaxweynaha iyo RW,ayaa la ogaysiiyay qaraarkan waxaana loo diray Wasaarada Dastuurka.

Waa war kale oo sharciga baalmarsan laguna jabinayo Dastuurka Fadaraalka oo kasoo baxay Baarlamaanka.

Qoondada Gobolka Banaadir oo markii horeba aan loo marin Wado saxa,ayaa hadana lasii murgiyay.

Ugu yaraan waxay ahayd in Aqalka-sare loo gudbiyo kadib Madaxweynaha uu saxiixo sidaana ugu yaraan unoqdo mid lagu murmi karo sharci ahaantiisa.

Balse xaalada,ayaa kusoo ururaysa hal booliya Nirig xalaal ah ma dhasho.

Jibril Qoobey.

Halkan ka akhriso..