Xisaab-xirka Miisaaniyada Puntland oo hufnaan ka muuqato

Xisaab-xirka 2019 ee Miisaaniyada Dowlada Puntland,ayaa si habsami leh usoo idlaatay.

Dakhligii Dowlada ee 2019-kii,ayaa ahaa 91-Milyan oo dolar waxaana soo xaroon oo isdhimay 11-Milyan oo qura.

Isticmaalka dakhligii 2019 waxuu u hirgalay sidii qorshuhu ahaa.

Boqolkiiba Sagaashan iyo Todobo (97%)ayay shaqaalaha Dowlada ee iskugu jira rayidka iyo Ciidanka qaateen mushahaarkoodii iyo kharashaadkoodii kale.

Dhanka kale Miisaaniyada Dowlada Puntland ee 2020 oo ah 346-Milyan oo dolar waxaa ku yimid isdhin 6-dii bilood ee lasoo dhaafay,kaasoo gaaraya 36-Milyan oo dolar oo udhiganta Boqolkiiba Toban (10%).

Isdhinka ku yimid miisaaniyada,ayaa waxaa sababay xanuunka Corona Virus,iyadoo ay xirmeen 5-garoon diyaaradeed oo dakhli gaaraya 2.5-Milyan oo dolar ay kasoo geli jireen bishii Dowlada.

Garoomadaas,ayaa kala ah…

1.Badhan
2.Bosaso
3.Qardho
4.Garowe
5.Gaalkacyo

Balse isdhinkaasi ma sababin in shaqaalaha Dowlada ee Ciidanka iyo rayidka iskugu jiraa ay waayaan Mushaaharaadkooda iyo kharashaadkooda si buuxda ayayna uheleen.

Barnaamijka IPSAS ee Xisaab-xirka Miisaaniyada Puntland loo isticmaalay,ayaa ah mid casri ah oo laga adeegsado xiligan caalamkoo idil.

Dhanka kale waxaa jira kabid Miisaaniyadeed oo laga helay Baanka Aduunka,inkastoo weli aysan soo gaarin Puntland.

Kabkaas,ayaa dhan 55-Milyan oo dolar guud ahaan Somaliya mana cada qoondada Puntland ay ka heli doonto.

Hir-shabelle,Koonfur-galbeed iyo Galmudug guud ahaan shaqaalahooda oo laysku daray waxay la mid yihiin tira ahaan kuwa ka shaqeeya Xaafiiska Xisaabiyaha guud ee Puntland.

Xogtan waxay muujinaysaa in maamulka Maaliyada Puntland wax weyn iska badaleen tan iyo intii Xukuumada Deni ay talada la wareegtay.

Marka la ag dhigo Miisaaniyadii 2018 ee Dowladii Gaas waxaa ku yimid isdhin dakhli oo gaaraya boqolkiiba labaatan iyo afar ( 24%).

Mushahaarka shaqaalaha Rayidka iyo Ciidanka,ayaan ka helin kalabar sanadkaas 2018.

U Isticmaalka Miisaaniyadaas sidii loogu talagalay ee 2018,ayaa ahayd boqolkiiba Konton iyo Afar 54%.

Isku soo wada duuboo ifafaale hufan oo maamul wanaag ah,ayaa muuqda.

Jibril Qoobey.