Bayaankii labaad Ee Manifesto-2

Manifesto-2:

Bayaan loogu magacdaray “Qaylo dhaan Qaran”, ayna ku saxiixan yihiin 70 Qof oo isugu jira, Aqoonyahano, Ganacsato, Masuuliyiin hore, Siyaasiyiin, iyo Waxgarad, ayaa loo diray Madaxweynaha JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Wakiillada Beesha Caalamka, iyadoona walaac looga muujiyay xaalada Siyaasadeed ee Dalka, waxaana laga digay dib-u-dhac ku yimaada Doorashada Dalka.

Xasuus:

Manifesto-1 ayaa bishii May ee sanadkii 1991, u dirtay bayaan baaq ah Madaxweynihii xiligaad Siyaad Barre, iyagoona ka codsaday inuu Dalka bad-baadiyo oo baneeyo Kursiga.

BAYAANKA 2AAD EE MANiFESTO”

(QAYLO DHAAN QARAN)July 3, 2020

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya: Md. Maxamed Cadullaahi Maxamed Farmaajo

Ku: Wakiilka Ergeyga Qaramada Midooby u Fadhiya Soomaaliya Danjire. James Swan

Og: Dowladaha Saaxiibada ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah

I-da Luulyo


Ujeeddo: Talooyin Lagu Gaari Karo Sulux Dhammaystiran iyo Dib u Xasilinta Qarannimada Soomaaliya

Muddo hadda laga joogo 30 sannadood, ayaa muwaadiniin Soomaliyeed soo saareen “Bayaanka Muqdisho ee 1-aad (Manifeesto 1), xilligaa oo ku aaddaneyd bishii May 1990. Bayaanka 1-aad waxa uu xambaarsanaa talooyin lagu badbaadinayo dalka. Soddon sano kadib, waxa uu dalku marayaa marxalad iyo xaalad la mid ah tii uu Bayaankii 1-aad uu ka digay 30 sannadood ka hor. Ma filayno in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, uu maanta indhaha ka qarsan karo xaaladda cakiran ee dalku ku sugan yahay. Waxaa marag ma doonto ah in maanta dalku marayo marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, iyada oo uu mugdi badan hareereeyey geedi-socodkii dib-u-yagleelidda hannaankii dowladnimo.

Waxaa burburay tiirarkii astaanta u ahaa Dowladnimada, sida Baarlamaanka Federaalka iyo Garsoorka dalka, oo baal maray shaqadoodii dastuuriga aheyd ee ilaalinta sareytna sharciga iyo kor-joogtenyta (rule of law and oversight). Hannaankii siyaasaddeed ee dalku wuxuu noqday mid hareer marsan hab ku dhisan dowlad-wanaag (daahfuraan iyo islaxisaabtan) iyo istiraatiijiyad guud oo taabba-gelinaysa dhismo dawlad saldhigeedu yahay u adeegdida ummadda Soomaaliyeed.

Maqnaanshaha dowlad ka tarjunta rabitaanka shacbiga, waxay horseedday oo caqabad weyn ku noqotay, shakina gelisay qabsoomidda doorashada 2020/2021, dhismaha Ciidan Qaran, Sugidda Amniga dalka, dhameystirka Dastuurka, la dagaalanka musuqmaasuqa, isku milanka Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Fulinta, maqnaashaha Maxkamadda Dastuuriga, dhamaytir la’aamta xeerarkii iyo shuruucdii dalka, gelitaanka hashiisyo caalami ah oo qarsoodi ah, oo aan la horkeenin Baalrmaanka Federaalka. Taasoo ay dheer tahay gaabiska iyo dib-udhaca ragaadiyay dedaaladda lagu horumarinayo qaab-dhismeedka hay’adaha Dowladda Federaalka iyo qorshe waaqici ah oo ku aadan wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Soomaalilaand.

Haykalkii dowladnimo ee Soomaaliya waxaa haleelay cudur guun ah oo dhidibbada aastay. Waxaa dayac noqday dhammaan adeegii bulshada. Dadka Soomaaliyeed in ka badan 70% waxay ku nool yihiin meel ka hooseysa khadka saboolnimada. Jaan-tuska lagu cabbiro nolosha dadyowga dunida, (189 dowladood), Soomaaliya waxay tirsiga kaga jirtaa kaalinta 185-aad. Shaqo la’aanta dalku waxa ay sare u dhaaftay 70%. Sidoo kale 75 % da’yarta Soomaaliyeed ma helaan fursad waxbarasho, mana ay jirto qorshe dowladeed oo leh istraateejiyad lagu guto xuquuqda ay caruurta u leeyihiin waxbarshada. Taasi oo mugdi gelinaysa mustaqbalka dalka. Waxa jira qaxooti Somaaliyeed oo kor u dhaafay hal malyan iyo barakacayaal dalka gudihiisa ah oo lagu qiyaasay 2.6 millyan, oo u badan dad nugul (caruur, haween ibo waayeel). Barakcayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliyeed waxay kamid yihiin arrimaha aysan dowladdu wax xil ah iska-saarin, qorshana u dejin.

Dib u dhaca ku yimid arrimahaas oo dhan, wuxuu wiiqay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed uu ku qabay Dawladiisa. Iyadoo taladii dalka ay ku soo ururtay xayndaab kooban. Wax kasta oo masiirkii dalka ahna wuxuu noqday mid ku xiran go’aanka dhowr qof oo saaxiibbo ah. Waxaana halkaas ku qiima beeley mabaadii’dii talawadaagga ee dalku uu ku xasili lahaa iyo xeerkii hannaanka federaalka ee lagu heshiiyay. Dhawaaqa xisbiyada mucaaradka ah, diidmada Puntland iyo Jubaland ee go’aamada dowladda federaalka, tabashada baahsan ee shacbiga Soomaaliyeed, dooddaha ay aqoonyahannadu ku dhaliilayaan dowladda, welwelka beesha caalamka, iyo kuwo kale oo la hal-maala, waxaa u sabab ah gaabiska dowaladda iyo jahawareerka madaxda sare ee dalka. Xiriir-xumida u dhexeeysa dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, waxay fashillisay, xoraynta iyo gacan ku haynta deegaanada Xarakada Al-shabaab ay maamusho.

Haddaba annaga oo ah dadka magacyadooda hoos ku qoran yihiin waxaan u aragnaa in xaaladda Soomaaliya kal dhow iyo mid dhexeba dhanka Siyaasadda iyo Amniga ay ku jirto degganaan la’aan ku xayndaaban dib u dhacyo badan oo is biirsaday. Danaysiga, musuqa, dulmiga baahsan iyo cadaalad-darridu waxay dhalisay in ay hor-joogsato qorsho walba oo lagu gaari lahaa dhismo dowlad ka tarjunta islamarkaana u adeegta shacbiga Soomaaliyeed. Waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed in ay u itaagto badbaadinta dalka, islamarkaana taageeraan the baaqa Manifesto II.

Talo soo jeedin:

In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah hannaanka Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, ee ku dhisan dib-u-heshiisinta iyo talo-wadaagga, kaasoo ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay 20 sannadood ka hor, lagana fogaado siyaasadda ku salaysan wada tashi la’aanta iyo baalmarka dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka
In kulan wadatashi oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (political agreement), lagaga arinsado qabsoomidda doorashada 2020/2021
In doorashada 2020/2021 ay ku dhacdo waqtigeeda, kuna timaado is faham iyo wadatashi dhexmara Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.

Liiska Magacyada”

1.Jaamac Cali Jaamac- Ex Manifesto 1

  1. Avv. Xasan Dhimbil Warsame Ex- Manifesto 1

3.Cabdi Muuse Mayow,

  1. Cabdullaahi Xaaji Yuusuf Cigaal, Ex- Manifesto 1
  2. Xirsi Bulxan Faarax Wasiir hore , 1967
  3. Cali Cabdullaahi Cosable, Madaxweyne hore, Hirshabeelle
  4. Faysal Cabdi Rooble
  5. Gen. Maxamed Cusmaan Qaadi
  6. Avv. Maxamed Macallin Xasan (Marooko)
  7. Caasha Geelle Diiriye, Wasiir hore, Puntland
  8. Eng. Axmed Warsame Abtidoon
  9. Bashiir Ciise Cali, Gud. Hore Bangiga Dhexe, Soomaaliya
  10. Avv. Maxamed Maxamuud Ciise (Turunji)
  11. Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiir hore, DFS
  12. Dr. Xasan Sheekh Cali
  13. Avv. Shamso Sheekh Xasan
  14. Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac
  15. Eng. Ismaaciil Daahir Cismaan
  16. Cabdullaahi Xasan Maxamed (Isbaanish)
  17. Dr. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed (Foonka)
  18. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiir hore, DFS
  19. Eng. Axmed Sabriye Siyaad
  20. Dr. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Takar)
  21. Cabdiraxiim Maxamed Abshir Haamaan
  22. Maxamuud Xaaji Qore, Ex- Manifesto 1
  23. G/ Sare Maxamed Xasan Xaaji Xuseen
  24. Cabdulqaadir Nuur Salaad (Takar)
  25. Abuukar Maxamed Cali

29.Maxamed Macallin Xasan Geelle, Xildhibaan hore

  1. Dr. Aweys Cumar Maxamed
  2. Khaliif Jaamac Cabdulle (Mandella)
  3. Maxamuud Dhoollawaa, Wasiir hore Puntland,
  4. Cabdi-Kaaf Maxamed Maxamuud, Wasiir hore, Galmudug
  5. Axmed Cabaas Axmed
  6. Avv. Cabdiraxmaan Faarax Qaarey
  7. Faarax Cali-Shire Afbalaar, Wasiir hore, Puntland
  8. Eng. Cabdi-Nuur Axmed Darmaan
  9. Daahir Mire Jibriil
  10. Eng. Siciid Xaaji Cabdi
  11. Eng. Cabdi-Waaxid Axmed Xasan
  12. Dr. Cumar Cabdi Barre
  13. Dr. Aadan Maxamed Ciise
  14. Xasan Cismaan Xaashi (Sulux)
  15. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan
  16. Dr. Siciid Maxamed Maxamuud
  17. Dr. Axmed Cabdalla
  18. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Warsame

48.Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub)

  1. Prof. Cabdullaahi Sayid Axmed
  2. Prof. Asad khaliif Cali-weyd
  3. Prof. Cabdisalaam Xaaji Axmed Garaad Malla
  4. Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe
  5. Dr. Bashiir Cali Biixi
  6. Dr. Faarax Axmed Warsame
  7. Dr. Jibriil Axmed Yuusuf
  8. Dr. Axmed Cali Yuusuf

57.Dr. Maxamed Ibraahim Af-kul

  1. Dr. Maxamed Xuseen Aadan
  2. Dr. Cali Caddaawe Barkhadle
  3. Amb. Yusuf Xaaji Siciid
  4. Amb. Cabdikariim Aw-Cali
  5. Mahad Maxamed Warsame
  6. Ismaaciil Xaaji Warsame
  7. Ciise Dhoolawaa
  8. Maxamed Cabdiraxmaan Janagele
  9. Axmed Siyaad Bile
  10. Cabdullaahi Saalax Cismaan
  11. Cabdiwaaxid Axmed Jaamac
  12. Dr. Saadiq Eenow
  13. Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan

Booqo Manifesto 2 FB