Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii Baydhabo

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa ka dhashay walxaha qarxa oo la sii dhigay maqaayad ku taalla deegaan 3km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada. Goobta la beegsaday ayaa waxaa ku taalla bar kontorool oo ay leeyihiin ciidmada ammaanku.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, iyadoo dhaawacyadooda loo qaaday isbitaalka magaalada Baydhabo.

Wararka aan ka heleyno deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada amnigu ay halkaasi ka wadaan baaritaan ku aaddan qaraxan dhaliyey khasaaraha dhimasho iyo dhaawac.