Yaa leh eeda shirkii fashilmay ee 5-ta bisha?

Baaqashada kulankan muhiimka u ahaa Dowladnimada Somaliya eedeeda waxaa leh Villa Somaliya madaxda xiligan fadhida.

22-kii bisha marka uu qorshuhu ahaa in subaxii uu qabsoomo kulankii ZOOM-ka,ayaa Farmaajo lasoo xiriiray Madaxtooyada Puntland sheegayna in uu wada shaqayn dhab ah diyaar u yahay.

Madaxweyne Deni oo ay wada hadleen waxuu ubalan qaaday in uu joojinayo Xeerarka 4-ta ahaa ee Baarlamaanka hor yaalay,sidoo kale Shirka Madaxda uu keenayo Garowe.

Subaxii markii lagu kulmay Whatsp-ka Farmaajo waxuu codsaday in goobta iyo xiliga shirka la qabanayo isaga in loo daayo laguna qadariyo,isla markaana uu joojin doono Xeerarka horyaala Baarlamaanka,wayna aqbaleen madaxdii kale.

Balse balanqaadkiisii waxba kama hirgalin oo maalmo kadib waxuu soo saaray qoraal uu ku sheegayo in Shirku Xamar ka dhacayo.

Xeerarkii 4-ta ahaa ee Baarlamaanka horyaalayna waa sii socdeen oo waa la gudbiyay.

Halkaa markay marayso oo khilaafkii horay ujiray uu sii xoogaystay laguna soo daray dastuur jabin cad iyo matalaad aan macquul ahayn sifo sharciyana loo marin Puntland iyo Jubaland waxay qaateen go’aankii uga aadanaa.

Isku soo wada duuboo xaalka dalku waa niyad jab iyo mugdi lamana saadaalin karo meesha wax ku danbayndoonaan.

Jibril Qoobey.