Video:-Halkee marayaa dhismaha isbitaalka Gaalkacyo?

Sida uu xaqiijiyay Cabfifitaax Sugule madax hay’ada PSA oo gacanta ku haysa dhamaystirka Isbitaalka guud ee Gaalkacyo bil gudaheed,ayaa lagu soo gabagabaynayaa shaqada.

Waxaa ku xigi doona qalabaynta qaybtan cusub oo ah laba dabakh oo kana kooban in ka badan 100-Qol.

Isbitaalka Gaalkacyo waa midka ugu shaqada badan Bartamaha Somaliya waxaana ku xiran oo adeeg caafimaad ka hela sanadkii Dad ka badan Nus Milyan,kuwaasoo ka kala yimaada Puntland,DDSI iyo Koonfurta iyo Bartamaha Dalka.

Halkan ka daawo muuqaalka