Video:-Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Puntland oo soo gabagaboobay

Imtixaanku si habsami leh,ayuu ku soo idlaaday dhammaan 9-ka Gobol ee Dawladda Puntland.

Imtixaanka waxaa u fariistay in ka badan 16-kun oo Arday oo isugu jira fasalada 8-aad iyo12-aad ee Dugsiga sare.

Sanadkan xarumaha lagu qaaday imtixaanka waxay ahaayeen 132,waxaana keenay in xarumaha la badiyo Xanuunka Covid-19 iyo ilaalinta bedqabka Ardayda.

Waxaa ka qayb qaatay Macalimiin ka badan 800,Kormeerayaal iyo caawiyayaashooda oo gaaraaya 153.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland wuxuu marayaa sanadkii 18-aad oo uqabsoomayo si wanaagsan.

Wasaaradda Waxabarashada Puntland waxay ku guulaysatay juhdigii yo wakhtigii ay gelisay sidii qiimayn dhamaystiran ay ugu samayn lahayd Ardayda.

Agaasimaha Imtixaanaadka Puntland Maxamuud Maxamed Siciid oo xogtan nala wadaagay Waxuu u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qayb qaadatay shaqadan muhiimka u ah Dalka.

Halkan ka daawo muuqaalka