Farmaajo iyo Khayre oo kala hadaafay

Farmaajo hadalkiisa marka la fasiro waxuu kusoo ururayaa doorasho ku dhacda waqtigeeda oo waafaqsan xeerka doorashooyinka ee isagu diyaarsaday.

Khayre hadalkiisa waxuu daaran yahay doorasho ku dhacda waqtigeeda oo heshiis lagu yahay go’aankeedana ay gaarayaan Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo kali ah.

Waxaa muuqata in ay kala tageen
Oo mid walbaa rabo in uu na tuso Dhuusamareeb in uusan dhib u arag kubada socotona israaciyo.

Waxaa kaloo jiri karta in ay ruwaayad jahwareerin ah dhigayaan hoosna wax badan iskala og yihiin hadafkooduna yahay in ay tushuush ku furaan shirka iyo ajandihiisa.

Guusha ilaa iyo hada muuqata waa in Farmaajo hankiisii ku darsashada soo afjarmayo isaga iyo RW-hiisiina ay ukala tartamayaan ku dhawaanshaha madaxda Dowlad Goboleedyada iyo saamayn ku yeelashada go’aamada Shirka Dhuusamareeb kasoo baxi doona.

Jibril Qoobey.