See u arkaa hadalada Khayre iyo Farmaajo C.C.Warsame ??

Siyaasiga kaliya ee Nabar iyo Naxdin si hoose u fahansan!!

Waxaa is waydiin mudan waa ayo cida uu is leeyahay Madaxweynuhu waad siri kartaa, mar haddii inta siyaasadda ku hawlan iyo inta falanqeysaba ay si fudud u fahmi karaan farriinta is burrinaysa ee baaqa ka daba tuurka ah ee Madaxtooyada’?

Madaxweyne bal iswaafaji muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah qabanayaa. Isqancin iyo wadatashi ayaan rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya.

Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah, boor isku qaris ah, waa ciyi waa ka baryey, waana laba canleyn ludda jecli lafta jecli ah, laguna carqaladeynayo go’aankii Golaha Wasiirrada. Haddii si kale loo dhigo waa muddo kororsi labbis cusub loo soo xiray, waa riwaayad soo saaraheedu farsamo xun yahay.

Soomaalidu waxay ka sugeysaa madaxda Dowlad Goboleedyada ku shirsan Dhuusamareeb in ay mowqifkooda caddeeyaan, taageeraanna cida muddo kororsiga diiddan, ogol doorasho xilligeeda ku dhacda iyo talo wadaag saamileyda siyaasadeed qayb ka tahay.