Booliska oo ka hadlay hawlgaladii Xalay iyo Saakay ee Gaalkacyo

Taliska Qaybta Booliska gobalka Mudug ayaa waxa uu ka hadlay howlgalkii ladagaalanka maandooriyaha Qamriga oo xalay isku badalay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac .

Qoraal dheer oo la soo dhigay Boga Facebook uu ku leeyahay Taliska Qaybta Booliska gobalka mudug ayaa waxaa lagu sheegay in weerar lagu soo qaaday Ciidmada Booliska xili ay marayeen Xafaada garsoor gaar ahaan Cagaarweyne kadibna ay sameyeen iska Caabin .

Taliska,ayaa sheegay in lagu guuleystay Howgalkii xalay ee ladagaalan mukhaadaraadka.

Ciidamada,ayaa gacanta ku soo dhigay Khamri farabadan iyo qaar kamid ah dadkii ka Ganacsanayay.

War kale oo kasoo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobalka Mudug,ayaa waxaa lagu sheegay in saakay Ciidamada ay weerar ku qaadeen kooxo Khamriga ku dhax iibiya Xerada kabida Balse ay goobta is kaga baxsadeen.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ayaa waxa uu taliska ku sheegay dhimashda labo qof oo kaliya.

Qoraalka Taliska qaybta Booliska ayaa waxaa digniin loogu diray dad la sheegay in taageero u muujinayaan kooxaha ka Ganacsada Maandooriyaha.

Sidoo kale Gaalkacyo waxaa saakay ka dhacay dagaal kale oo u dhaxeeya Ciidamada Amaanka iyo kooxo ka tirsan kuwa ka Ganacsada maandooriyaha oo weerar gaadma ah ku soo qaaday Ciidamado ilaalada Madaxtooyada,waxaana ka dhashay dhimashada hal askari iyo qof Shacab ah .