Madaxweyne Deni oo jeediyay khudbad Abqaranimo leh

Madaxweyne Deni waxuu amaanay horumarka mudada gaaban ay ku talaabsatay Galmudug iyo hogaaminta Madaxweyne Qoor-qoor.

Deni waxuu umahadnaqay beesha caalamka doorkooda waxtar ee Somaliya,waxuuse usheegay in ay talada udaayaan oo ay iyagu waxa ufiican ka yaqaanaan.

Ugu danbayn Madaxweyne Deni waxuu fariin udiray madaxda Fadaraalka oo uu ku yiri…

“Dowladahan maanta shiraya waa kuwiinii,dadkiinii aad xukunteen cuqdada iska saara oo soo dhawaada taladana hala wadaago si horay loogu wada socdo”.

Madaxweyne Deni waxuu kaftan dhable ah kula kaftamay shacabka iyo Xukuumada Galmudug..

“Waxaa lalahaa maalmo kooban Shir maku qaban karaan ana waxaan iri gelin baa ku filan oo waa dad karti uleh”Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Isagoo kaftankiisa sii wata,ayuu yiri markale Madaxweyne Deni…

“Reer Galmudug horay waxay usameeyeen ayay mustaqbalkana wax wanaagsan usamayn karaan”.

“Meeshii Fadaraalka laga lug jiidi jiray saakay,ayaan fadhinaa ,waana ilaahay mahadii”Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Jibril Qoobey.