Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Waare Ee Shirka

Madaxweyne Waare waxuu jeediyay khudbad kulul oo si toos ah utaabanaysay nabarada waa weyn ee Somalida xiligan ay la xanuunsanayso.

Waare hadalkiisa waxuu dharbaaxo ku ahaa Madaxda Fadaraalka ee Villa Somaliya.

Waxuu si adag udifaacay Dastuurka,ku dhaqankiisa iyo ilaalintiisa, isagoo ku tilmaanay Hanti Qaran oo dhaxal ah mar walba oo wax lagaran waayana layskula soo laabto uusan ahayna Warqado layska qoray.

“Dastuurku qabyo mahan waa khalad isticmaalka eraygaas,”Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Isagoo ka hadalkiisa Dastuurka sii watana,waxuu yiri..

“Dastuurka il Hooyo oo naxariis leh halagu eego ee yaan lagu fiirin Il Eedo”.

Gudiga doorashooyinka,ayuu xusay oo waliba hadalo ka jin umuuqday ku tuuray.

“Gudiga doorashadu waa farsamayaqaaniin aan shaqo udirsanay waxay la mid yihiin Fuundi aad Guri tiri iidhis oo ku yiri waxaan kugu dhisayaa 10-cisho iyo 10.000 dolar in aad aqbasho iyo in kale aday kugu xiran tahay,marka yaan la dhibin Gudigaas iyo Xaliimo Yareey shaqadoodii waa dhamaysteen anagay noo taalaa oo ka tashanayna waxa la yeelayo”Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waare waxuu kaloo ka hadlay maqaamka Muqdisho oo uu ku dheeraaday difaaciisa inkastoo uusan soo hadal qaadin qoondadii 13-ka ahayd ee muranka badan dhalisay.

Jibril Qoobey.