Shirkii Dhuusamareeb oo furmay

Shirkii Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah oi si toos ah ufurmaya.

Qodobada Ajendaha shirka ee sida hordhaca ah loogu heshiiyey,ayaa kala ah.

  1. Muddo kordhin loo sameeyo Dowladda Federaalka ay tahay sharci darro aan la aqbalaeyn (No Extension)
  2. In Muddo xileedka u dhiman Golayaasha DFS aan lagu qaban karin doorasho 1Q1C ah
  3. In la qabto Doorasho laga wadatashay, kuna qabsoomta wakhtiga u dhiman Golayaasha Baarlamanka ee DFS. Nooca Doorasho oo ay ku heshiiyeen DFS, DXDFS iyo Ururada Siyaasadda si isla oggol iyo wadatshi ah.

Shirku waxuu diiday codsi ka yimid RW Khayre oo ahaa in uu kasoo qaybgalo,kaasoo uu soo gudbiyay Madaxweyne Qoor-qoor.

Sidoo kale Shirku waxuu diiday codsi Madaxweyne Waare soo gudbiyay oo umuuqday mid Madaxtooyada Villa Somaliya ka yimid,kaasoo lagu dalbanayay in Ajandaha lagu daro Maqaamka Muqdisho iyo in doorashooyinka maamulidooda looga danbeeyo Xukuumada Fadaraalka oo kali ah.

Shirku waxuu aqbalay soo jeedin ka timid Puntland oo ahayd in lagu daro Ajandaha Xisbiyada Qaranka.

Jibril Qoobey.