Jen.Odowaa oo ka badbaaday Qarax

Waa sigtay balse dhaawac iyo dhimasho,ayaa jira ka dhashay Qaraxa lala eeganayay Talyaha Ciidamada Milatariga Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya Odowaa Yuusuf Raage.

Jen.Odowaa, xilka lagama qaadi karo, waayo wuxuu hayaa XOG fara-badan.

Odowaa waa kusoo rogaal celiyay Villa-da, go’aankuna waa inuu maro wadadii khaarajinta aheyd ee la marsiiyay Guddoomiyihii Gobalka Banaadir AUN Marxuum Eng. Yariisow,sida xogoho muhiim ah sheegayaan.

Odowaa waa hayay xogta, oo sida la ii sheegay gaarigiisa ma saarnayn oo Qaraxa kaddib wuxuu kasoo degay Cabdi Bile.

Talaabadaas fariin ayay aheyd waase ku socon doonaa weerarku illaa laga khaarajiyo bishan gudaheeda ama tan xigta, haday suuroobi weydo si Ismiidaamin ah,ayaa xilka looga xayuubin doonaa Odowaa Talyaha Milatariga Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya.

Jibril Qoobey.