Laba wajiilaynta Khayre oo khatar ku ah Shirka Dhuusamareeb

Kheyre,ayaa hore ka bilaabay fulinta go’aanadii ka soo baxay Shirkii uu qaybta ka ahaa ee udhaxeeyay Sirdoonka Qatar, Itoobiya ,Eriteriya ,Fahad Yaasiin kana dhacay Doxa-Qatar.

Shir mudo 10-maalin ah u socday Kheyre , Fahad Yaasin iyo Sirdoonadda Qatar, Itoobiya iyo Eriteriya ,ayaa lagu soo dajiyay
qorshayaal laguna soo hishiiyay sidii loomaja xaabin lahaa Mucaaradka Dowlada Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Fahad Yaasiin oo ah shaqsi jecel in aan la ogaan sirtiisa,ayaa Kheyre ugu yeeray Caasimada Doha ee dalka Qatar si looga shiro arrimo ay ka mid yihiin Doorashada iyo Mucaaradka Farmaajo iyo Kheyre.

Fahad Yaasiin waxuu ka quustay in shirarka xasaasiga ah uu ku qabto Muqdisho maadaama marwalba banaanka lakeeno sirihiisa iyo xogaha hoose ee laga helayo dhaqdhaqaaqisa iyo shirqoolada uu u maleego siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo maamul goboleedyadda.

Kulankii kadhacay Doha ayaa Kheyre lagu soo siiyay qorsho howleed baaxad wayn leh taasoo uu ku indhasarcaadinayo xubnaha mucaaradka ah kaasoo ah in asaga iyo Farmaajo ay isqilaafsan yihiin sido kale uu Kheyre yahay musharax Madaxweyne 2021.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay,ayaa ah in la ogaado xogta daahsoon ee Madasha Xisbiyada Qaran iyo kan maamuladda Putland iyo Jubbaland sida diyaar garoowgooda 2021 markii muda xileedka Farmaajo dhamaado goaanka ay qaadan karaan iyo samaaynta ay leedahay ficilada ka imaan karo.

Kheyre oo ah shaqsi aad uyaqaan sida la isaga keeno ilinta Yaxaaska,ayaa u xuubsiibtay si cilmiyeysan inuu u muujiyo asaga iyo Farmaajo in ay isku rayi ahayn isagoo isticmaalaya hadalo qof walbo siduu rabo u micnaysan karo.

Hadaba Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka sida Jubaland,Puntland iyo madasha Xisbiyada Qaran waa in ay ka foojig naadaan shirqoolada uu wado Kheyre.

@Deeq Diiriye Hussein

@Deeq Diiriye Hussein