Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,  ayaa berrito ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug, halkaas oo uu ka furmayo horaanta Asbuuca soo socda Shirka wada-tashiga Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Wafti horu-dhac ah oo ay kamid yihiin Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona la filayo in Madaxweynuhu uu soo gaaro gelinka dambe ee birrito.

Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa maadama Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay inay dalka ka qabato Doorasho qof iyo cod ah, oo kamid aheyd qorshayaashii loo doortay Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo doonaya muddo kordhin, ayaa hada wajahaya culusyadii ugu badnaa ee Siyaasadeed, isagoona khilaaf kala dhexeeyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo doonaya in Doorashadu ay ku qabsoonto waqtigeeda, sidoo kale waxaa garabkiisa baneeyay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo la midoobay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo horey ay isku hayeen Madaxweyne Farmaajo.

Lama oga waxa kasoo baxaya Shirka Magaalada Dhuusamareeb uga furmaya Madaxda DF Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, dadka odorasa arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaana aaminsan in shirkaas uu sii kordhin doono guuldarooyinka Siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo, meeshana ka saari doono rajo kasta oo la xariirta muddo kordhinta uu ku haminayo Madaxweynuhu.

Ra’iisulwasaare Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa ka mideysan in Doorasho dadban laga qabto Dalka, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in loo kordhiyo waqtiga si uu u qabto Doorasho qof iyo cod ah.