Maxaa sababay inuu Ra’iisulwasaare Kheyre ka kala wareego Garoonka diyaaradaha Garoowe ? (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo maanta soo  gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa ka kala wareegay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, kaddib markii uu halkaas uga qeyb-galay Salaada janaasada ah oo lagu tukuday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa la sheegay in qorshihiisu ahaa inuu caawa ka heyso Magaalada Garoowe, si uu kulan ula yeesho Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kahor Shirka Dhuusa-mareeb uga furmaya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu ka cudur daartay qaabilaada Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre, uuna u sheegay inuu ku Mashquulsan yahay kulamo  xariir ah oo uu la yeelanayo Hay’adaha Dowladda Puntland, Isimada dhaqanka iyo Marti u joogtay muddooyinkii ugu dambeeyay Caasimadda Puntland, taas oo sababtay in Ra’iisulwasaaruhu ka kala wareego Garoonka diyaaradaha Garoowe.

Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa ka mideysan arrimaha Doorashooyinka Dalka, waxaana dad badan is-weydiinayaan sababta keentay in Madaxweynaha Puntland uu ka cudur daarto kulan gaar ah oo uu Garoowe kula yeesho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ah mid qeyb lixaad leh ka cayaaray qabsoomida Shirkii Wada-tashiga Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka maqnaa Caasimadda ayaa kulamo xariir ah la leh Isimada dhaqanka Puntland, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BJFS Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Wafuud kale oo ku sugan Garoowe.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya Magaalada Garoowe, kuwaas oo iyana la kulansan Madaxweyne Deni, oo ay ka wada-hadlayaan sidii loo sii adkeyn lahaa mowqifkooda Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo War-murtiyeedkii Dhuusamareeb, maadama uu maalmaha soo socda Dhuusamareeb ka furmayo Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada .