Siyaasiyiinta iyo Odayaasha beelaha Mudulood oo u midoobay in meesha laga saaro Farmaaho (Sawirro)

Madaxweynayaashii hore ee Dowladda Soomaaliya ahna Hoggaanka Madasha Xisbiyadda Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehlinayaan Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geedi, Senator Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaano iyo Siyaasiyiinta Beesha Mudulood ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Odayaasha dhaqanka Beelaha Mudulood.

Kulankan ayaa looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo watashiga dadka dega gobolka Banaadir, gaar ahaan Beesha Mudulood, loogana qeyb qaadan lahaa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.

Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Mudane Shariif Shiekh Axmed oo ah laba Madaxweyne oo xilka isaga dambeeyey haatanna hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa mas’uuliyiintan ku booriyey in laga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa loona walaaleyn lahaa bulsha weynta gobolka.

Xogo dheeraad ah oo laga helay kulanka ayaa sheegaya in Cali Maxamed Geedi, oo ahaa Siyaasiga difaaca u ahaa Madaxweyne Farmaajo marka kicin kaga yimaado Gobalka Banaadir uu isku dhiibay Madaxweynayaashii hore oo uu ka dalbaday inuu la mowqif noqdo, garabna uu ku siin doono sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Xamar.