VIDEO: Sidee loogu aasay Garoowe Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee loo sameeyey Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Waxaa qayb ka ahaa Aaska Qaran Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS, Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda DFS iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, masuuliyin ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, isimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.