Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku gacan seeray dalab uga yimid Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka hor-yimid Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulan ka dhacay qeybya VIP-da garoonka diyaaradaha Garoowe, oo socday muddo saacado ah, ayna iskugu yimaadeen Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Madaxweyne Farmaajo khadka taleefoonka uga soo qaybgalay kuna soo gudbiyay codsi uu ku dalbanaya muddo kordhin 2-sano ah iyo ku badalasho Mashaariic, Awooda qaybsi iyo aqoonsi dhamaystiran oo uu siinayo Madaxweynaha Jubaland.

Soo jeedinta Farmaajo waxaa ka hor yimid Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyagoona sheegay in aysan aqbali doonin qorshe kastaa oo Doorashadu dib ugu dhici karto.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu uga digay Madaxweynaha DFS inuu isku dayo inuu jahwareeriyo Dalka, isagoona sheegay in loo baahan yahay in lagu fakaro sidii Shirka Dhuusamareeb heshiis looga gaari lahaa arrimaha Doorashooyinka oo ah walwalka ugu badan ee heysta indheer garadka Soomaaliyeed.