Ciidanka Jubbaland oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al-Shabaab & Qaraxyo (Sawirro)

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay ku fashiliyay keyd bambaanoyin iyo Miinooyinka oo ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha, gaar ahaan agaa suuqa sariiraha.

Sidoo kale, Ciidanka Nabad-sugida ayaa hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi, kusoo qabtay dhagar-qabayaasha kala ah Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba.

Ragan ayaa qirtay in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen, sida uu baahiyay TV-ga Jubbaland.