Deni iyo Axmed Madoobe oo ka degaya magaalada Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ka degaan magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe, oo ay kaga qeyb-galeen Aaskii Qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Labada Madaxweyne ayaa kaga qeyb-galaya Dhuusa-mareeb Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.