“Doorasho iyo Tartan Kursi waa kala labo”

Shirka Dhusamareeb: “Doorasho iyo Tartan Kursi waa kala labo”

Laba arrimood in la fahmo ayaa muhiim ah:

Dowladda Dhexe:

  1. Sharciga Doorashooyinka ee labada Aqal ansixiyeen wuxuu ka kooban yahay:
    a) In asxaab lagu tartamo
    b) In 4.5 awood qeybsiga ah sideeda loo ilaaliyo
    c) In degaan Doorashooyin cusub la abuuro (ka duwan 2016). Eeg qodobka Degaameynta ee labada aqal ka soo shaqeeyeen.

Dowlada Goboleedyada:

  1. In Doorashada lagu qabto wakhtigeeda
  2. In degaameynta loo daayo sidii ay ahayd 2016
  3. In la qabto Doorasho dadban ayadoo la tixgelinayo wakhtiga dhiman iyo dareenka xooggan ee looga soo horjeedo wakhti kordhin.

Labada dhinac maxay isaga mid yihiin:

Sharciga doorashooyinku wuxuu qabaa in la qabto doorasho kuraasteedu tahay mid isu dheeli tiran (4.5). Dowlad Goboleedyadu waxay qabaan in toos loo abaaro Doorasho dadban.

Maxaa lagu heshiin karaa?

Mar haddii sharcigii noqday mid dadban oo si daah furan aan u abaarayn Doorasho 1Q1C. Dowlad Goboleedyadiina oggol yihiin Doorasho dadban. Waxaa haboon in laga wada hadlo meel marinta wixii la isla oggol yahay oo ah:
Doorasho Dadban!

Dadka Soomaaliyeed muddo ayey sugayeen in ay ka guuraan habka awood qeybsiga ee ku saleysan qabiilka. Ugana guuraan Doorasho siyaasad iyo farsamo ahaanba heshiis lagu yahay. Maanta waxaan u baahanahy heshiis loo dhan yahay.

“Doorasho iyo Tartan Kursi waa kala labo”

Burhan Dio Mio