Gaalkacyo: Puntland oo xukuno dil iyo xabsi ah ku riday xubno katirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Darajada kowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday 9 xubnood oo katirsan Maleeshiyaadka Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo dhowaan ay gacanta ku dhigeen Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland, sida ay Shabakadda Idil News u sheegeen Sarkiil katirsan Hay’adaha Amniga.

9 Eedeysane oo lagu helay inay ka dambeeyeen falal ka dhan ah amniga oo ay kamid yihiin Dilal iyo Qaraxyo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, ayaa 3 kamid ah Maxkamaddu ku riday xukun dil ah, halka 6 kalena lagu riday xukun xabsi ah oo u dhexeeya 20 illaa 30 sanno.

Sidoo kale, Maxkamadda Darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa maalmaha soo socda u fariisan doonta Kiiska xubno kale oo katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanka Dowladda Puntland, lagana soo qabtay meelo kala duwan oo katirsan Gobalka Mudug, gaar ahaan Koonfur Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug.

Xubnaha xukunka ay ku riday Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida, ayaa la filayaa inay kasoo muuqdaan Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland, iyadoona loo soo bandhigi doonaa Warbaahinta, sida ay sheegayaan xoguhu.